Corona virus Shiinaha war laga naxa ayaa ka soo yeeray!

Caasimadda Shiinaha ee Beijing ayaa xayiraad kusoo rogtay xaafado kamid ah, waxaana la kordhiyay baaritaannada dadweynaha kadib markii kiisas badan oo Fayraska Korona ah lagu arkay magaaladaasi.

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in inkabadan 100 kiis oo cusub laga diiwaangeliyay caasimaddaasi.

Muddo ka badan todobo asbuuc ayaa Beijing waxaa Fayraska Korona laga helayay oo keliya dadka dibedda kasoo laabtay.

Mike Ryan, madaxa WHO u qaabilsan xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin kiisaska kasoo cusboonaaday caasimadda Shiinaha.

“Waxaan rabnaa inaan aragno jawaab degdeg ah oo ku aaddan faafitaanka cusub, iyo tallaabooyin wax ku ool ah,” ayuu yiri Ryan.