Dad Hor Leh Oo Ku Geeriyooday Duufaannadii Ku Dhuftay Filibiin

Ugu yaraan 169 qof ayaa lashegay inay dhinteen ka dib markii duufaan xooggan ay Khamiistii ku dhufatay dalka Filibiin, sida ay booliisku u sheegeen warbaahinta maxalliga ah.

Duufaanta Rai oo ah tii ugu xoogganayd ee sannadkan dalkaas ku dhufata ayaa 300 oo kun oo qof ku khasabtay in guryahooda laga daad gureeyo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte ayaa kormeer dhanka hawada ah ku sameeyay goobihii ay duufaantu halakeysay.

Muuqaallo ay baraha bulshada soo geliyeen shaaalaha gargaarka ayaa muujinaya burbur weyn oo soo gaaray jasiiradaha Siargao, Dinagat iyo Mindanao.

Hay’adda caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa samaysay codsi deg deg ah oo ku aaddan in la maalgeliyo dadaallada gargaarka. Waxayna hay’addu sheegtay in guryaha iyo cisbitaallada ku yaal deegaannada xeebaha ah ay gebi ahaanba burbureen.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com