Dagaal dhexmaray Ciidamada Jubbaland & Al-Shabaab

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa doad Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee  degaanka Baarka ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday, kaas oo la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Xaaladda degaanka Baarka ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa degan, waxaana degaankaas uu kamid yahay goobaha laga ilaaliyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com