Dhageyso: Dawlada Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dib u soo laabashada Khadka Internetka

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan oo ka hadlay Arrintaas, ayaa u mahadceliyay Shirdadaha bixiyay adeegga Internet-ka, oo sida uu sheegay ku guulaystay in ay si ku meel gaar ah u xalliyaan cilladaas.

Wasiir Canshuur, ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka in ay taxadar dheeri ah muujiyaan maalmaha soo socda, inta cilladdan laga wada xallinayo, si uusan mar kale u go’in Khadka Internet-ka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan oo ka hadlay dib u soo laabashada Khadka Internetka ayaa u mahadceliyay Shirdadaha bixiyay adeegga Internet-ka, oo sida uu sheegay ku guulaystay in ay si ku meel gaar ah u xalliyaan cilladaas.

Wasiir Canshuur, ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka in ay taxadar dheeri ah muujiyaan maalmaha soo socda, inta cilladdan laga wada xallinayo, si uusan mar kale u go’in Khadka Internet-ka.

Cabdi Canshuur Xasan , wuxuu intaasi ku daray in dalku uusan ka kaban Karin go’naanshaha  khadka internetka, maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada iyo warbaahinta.