Dawladaha Soomaaliya iyo Findland oo Heshiis kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlada Finland ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya $8.64 million oo Dollar kaas oo lagu horumarinayo Waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo Safiirka dowladda Finland ee Soomaaliya marwo Johanna Jokinen ayaa kala saxiixday heshiiskaas.

Wasiirka Waxbarashadda oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay dowladda Finland doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Hey’adda UNICEF ayaa deeqdaas lacageed si wadajira mashaariicda loogu tala galay ugu fulin doona guud ahaan dalka.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com