Dhageyso: Aabe dhalay Qaar ka mid ah Caruurtii uu Madfaca ku dilay degmada Balad Xaawo oo ka hadlay dareenkiisa

14 qof, oo 10 ka mid ah ay ahaayeen caruur kasoo jeeday saddex qoys oo ehel dhow isu-ahaa, ayaa ku geeriyooday madfac ku habsaday guri ay rasaasta kaga gabanayeen oo ay kuwada sugnaayeen, degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Musiibadaan   ayaa dhacday xili uu dagaal dhex marayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata maamulka Jubaland.

Lixda qof ee isla madfacaas uu dhaawacmay oo loo qaadey magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu markii dambe dhaawaciii soo gaaray u geeriyooday, taasi oo tirada dhimashada qoysaskaasi ka dhigaysa 15.

Aabe ku waayey 5 caruur ah dagaalkaasi ayaa ka sheekeeyay suida ay wax u dheceen waxaana uu sheegay in Dawlad iyo Maamul intaba cid uga tacsiyadeeysay in aysan jirin madfaca ku dhacay Caruurtiisa iyo kuwa kale ee qarabada ay ahaayeen