Dhageyso: Qodobo laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb

War Murtiyeed ayaa  laga soo saaray shirkii Dhusamareeb uga socday madaxda Dawlad goboleedyada Dalka

Shirka oo looga hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya ayaa dood iyo wada-xaajood dheer kadib waxaa ka soo baxay Shan qodob oo kala ah.

1– In la xoojiyo iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha
2. In doorashada dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.
3. In tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.
4. In Madaxweynaha dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021, shirkaasina uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.
5. Shirku wuxuu ka mahad celiyay taageerada Beesha Caalamka ee dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Yuusuf Garad Cumar ayaa Akhriyay qodobada ka soo baxay shirka ay Dhuusamareeb ku yeesheen Madaxda Dawlad goboleedyada dalka