DHAGEYSO: Sicir barar xoog leh oo ka jira Muqdisho

Waxa beryahanba Muqdisho iyo guud ahaan dalka saameeyay sicir barar kolba kolka ka dambeysa sii kordhayey, kaasoo laga dareemayo Suuqyada lagu iibiyo Raashiinka .

Sare u kac ayaa ku yimid maciishadaha kala duwan, kuwa dibadda laga soo dhoofiyo iyo kuwa dalka ka baxa, waxaana labo-jibaarmay shey walba qiimihii uu joogay, iyadoo arintan culey ku keentay qoysaska danyarta ah,

Rashiinka sida Sonkorta, Burka, Bariiska, Baastada iyo Saliida waxay noqdeen kuwa qaali ah, oo bil walba lacag lagu sii kordhinayo, waxaana xaaladda ay keentay in qoysas badan uu debkooda demo, maadaama aysan iibsan karin.

Ma jirto bad-xiran, laakiin waxaa loo sababeynayaa arrimaha siyaasadda, maadaama dalka galayo doorasho, oo waxwalba joogsaday, waxaana ganacsiga uu noqday mid ku xiran siyaasadda, iyadoo dowladda ku fashilantay inay wax ka qabato dhibaatada qoys walba saameysay.

Lacagtii dalka taalla baa qofwalba keysaday, lana sugayo inta doorashadda ka dhacayso, xiligaasi oo kuraasta la kala iibsanayo, dhaqaalaha la filayo inay wax iska bedelaan, maadaama laaluusha badan ay heli doonaan ergada iyo dadka kale ee ku lugta leh doorashadda.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com
Hoos ka dhageyso: wareysi