Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shilal ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida{AKHRISO}

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa geeriyootay 13 kalena waa ay dhawacmeen kadib markii shil gaari uu ka dhacay Duleedka xarunta gobalka Qoraxay ee Magalada Qabri-Dahar ee dowlad degaanka Soomaalida.
Shilka gaari ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo si xowli ah ku socday, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka uu shilka ka dhacay.

Dhinaca kale Gaari Ambulance ah oo qaaday dadkii shilka Qabridahar ku dhaawacmay ayaa ku rogmada duleedka magaalada Qabribayax, waxaana halkaasi ku geeriyooday laba kamid ah dadkii dhaawaca ahaa.
Ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa tegay goobta uu shilka ka dhacay, waxaana, iyaga oo kaashanaya dadka degaanka ay gurmad u sameeyeen dadka shilkaasi ku dhaawacmay

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com