Diyaarad xamuul oo ku bur burtay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley

Wararka ka naga soo gaaraya  degmada Dhoobleyee gobolka jubada Hoose  ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Kenya ay ku burburtay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose.

Diyaaradana oo aheyd nooca xamuulka ayaa sahay u siday Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee saldhigga ku leh Dhoobley.

Duuliyaha diyaarad ayaa wararku ay sheegayaan in uu ku dhintay halka 3 kalenay ay ku dhaawacmeen mana jiro ilaa hadda war ka soo baxay saraakiisha kenyaanka ah ee Dhooble eek u aadan burburka diyaaradaasi

Ciidamo badan oo ka Tirsan Amisom iyo kuwa maamulka jubland ayaa ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha degmada Dhooble si loo xaqiijiyo waxa shilka sababay

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com