Diyaarado duqeyn ka geystay degaano ka tirsan Gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa xalay waxaa ay duqaymo xoogan ka geysteen degaano hoostaga Degmadda Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Diyaaradaha oo joog hoose ku socday ayaa duqeeyay degaannada kala ah, Warbeele. buralaha samaroole iyo golgola Cali, halkaas oo ay kunool yihiin dad Xoolo dhaqato ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku waramayeenn in uu jiro khasaaro soo gaaray dad Shacab ah, balse aan faah faahin buuxa laga bixin ina ee la egtahay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dadka Shacabka ee kunool degaannada la duqeeyay ay bilaabeen inay ka barakacaan, kuwaas oo ka cabsi qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto duqeynta.

Maamulka degmada Ceelwaaq ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin duqeyntaas, hayeeshee dadka degaanka ayaa ku waramay in degaannada la duqeeyay aysan ku sugneyn  Xubno ka tirsan Al-Shabaab