Doorashada Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa oo maanta Muqdisho lagu qabanayo

Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in lagu doorto magaalada Muqdisho.

Aqalka Sare ayaa ka kooban 54 xubnood kuwaas oosoo dooran doono shir guddoonka aqalkaas oo ka koobnaan doona guddoomiye, ku xigeenka koowaad iyo ka labaad.

Guddoomiyaha golaha waxaa ku tartamaya saddex senatar oo kala ah guddoomiyihii hore ee aqalkaas Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Cismaan Abokor Dubbe.

Musharraxyadan oo ka soo jeeda dhammaantood gobollada waqooyi, ayaa la filayaa in midkood noqon doona guddoomiyaha aqalkaas maalmaha soo aaddan, kaas oo hoggaaminta afarta sano ee soo socota.