Dowlada oo xabsiga u taxaabtay Sarkaalkii la wareegay Hubkii & Amniga Madaxdii Ahlu suna

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa Hotelka jaziira ee magaalada Muqdisho kala baxay General Mascuud oo ah ninkii u diiday dowladda in ay la wareegan madaxweynaha Galmudug, garabka Ahlusunna Shiikh Shaakir iyo hoggamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud, dhacdadaas Gen Mascuud ay ku wateen ciidamada dowladda ayaana ka dhacday Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Illo xog ogaal ah ayana nala wadagay in Gen Masuud uu shalay galab soo galay magaalada Muqdisho, maalmahii laso dhafayna waxa jiray khilaaf u dhaxeyay Generaal Mascuud iyo dowladda khilaafkaas oo salka ku hayay in Genaralka uu warejiyo hubkii iyo ciidamadii Ahlusunna.

Ahlusunna Madaxdeda ayaa mar kale soo laba kacleyay kaddib markii ay ka dhamaaden deeganada Galmudug, horayna waxa ay u sheegen in siyaasadda iyo jaangooynteeda ay faraha kala baxayaan.

Madaxda Ahlu suna ayaa hadda ku sugan dalka isku taga Imaaraadka Carabta oo ay kula balansan yihiin madaxda dalkaas.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com