Dowladda Afghanistan oo ku dhawaaqdey Go’aano ka dhan ah Coronavirus

Dalka Afghanistan waxaa laga mamnuucay dhammaan noocyada kaniisadaha iyo Masaajida cabsi laga qabo Cudurka Safmareenka ah coronavirus.

Xukunka ayaa ku yimid qaab fatwa ah iyada oo loo marayo Hay’adda Culimada, oo ay taageerto Wasaaradda Xajka iyo Arimaha Diinta.

Waxay ku boorisay dadka inay guryahooda joogaan oo ay ka fogaadaan inay masaajida u aadaan shanta salaadood. Amarkan ayaan saameyn ku yeelan doonin salaadda janaasada oo lagu tukado qofka marka uu dhinto.

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo tirada bukaannada uu ku dhacay fayraska loo yaqaan COVID-19 ay kor u dhaaftay 300. Booliiska magaalada caasimada ah ee Kabul ayaa sameeyay aagag baaritaan dheeri ah si ay u hubiyaan dhaqan galka xayiraadda.

Si kastaba, khubarada caafimaadku waxay aaminsan yihiin in tiradaasi ay intaas ka badnaan karto, maadaama ay dadku wali aysan dhaqangalin amarad dowladda.

Dhanka kale, dowlada Afghanistan waxay ugu talagashay 100-sariir oo loogu talo galay bukaanada qaba coronavirus-ka, kuwaa oo la geeyey Isbitaal ku yaalla magaalada Herat, oo xuduud la leh Iran.

Jamhuuriyadda Iran ayaa ah dalalka ugu saameynta badan Cudurkan Covid 19 ay dadkiisa wajahayaan.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com