Dowladda oo xil umagacaawday Taliye Xirsiile oo horey udilay Marxun Xasan Kurtun Calasow

 

Dowlada Soomaliya ayaa taliyaha Asluubta Galmudug u magacawday Gacan kudhiigle Taliye #Xirsile oo si bareer ah udilay marxuun Xasan Kurtun Calasow.

Taliyaha ayaa mudooyikii udanbeeya  Howlihisa iskasiiwatay xili xanibaad iyo xil ka qaadis lagusameeyay maadaama si biniáadanimada kabaxsan oo u ladhaqmay marxuun kurtun Calasow.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxaa uu Maanta Magacaabey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qeybta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wareegto kasoo baxdey Xafiista Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta Galmudug waxaa loogu Magacaabey Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta qeybta Galmudug loo Magacaabey ee Xirsiile ayaa horay waxuu u ahaa Taliyiha Xabsiga Dhexe  ee Xamar.

Magacaabista Taliyaha Guud ee Ciidamada Asluubta Galmudug ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli shalay Dowladda Federaalka ay Magacaawdey Taliyaha Ciidanka Asluubta Qeybta Jubbaland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com