Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maxkamada CXDS la gaarsiin doono D/ goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka la gaarsiiyo Maxkamada Ciidanka qalabka Sida.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dib habeyntii lagu sameeyay ciidanka qalabka sida aysan hirgalin doonin tan iyo inta laga helaayo Maxkamada wareegta oo hadba tagta xerooyinka ciidanka xoogga dalka.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in wasaaradda Difaaca ay wasaaradda Maaliyada ka dalban doonto in la kordhiyo adeegga dhaqaalle ee Maxkamada Ciidanka Qalabka sida.

Waxaa uu xusay in wali ay jiraan Cilado hortaagan in uu hirgalo dib habeyntii ciidanka dowladda Soomaaliya, maadaama Maxkamada aysan heysan dhaqaallo badan oo ay ku howlgasho.

Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Maxkamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay Magacowday ka dib markii xilka laga qaaday Libaan Cali Yarow.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com