Dr. Cali khaliif Galeydh oo la ogaaday Cudurka uu u geeriyooday iyo Meydka Marxuumka oo loo soo qaadayo Magaalada Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya Mukhtaar Yuusuf Muuse, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsdiyeeyay, geeridii ku timid Alle hau naxariistee Prof. Cali Khallif Galaydh oo shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Wasiirka ayaa sheegay in maanta , maydka marxuumka loo soo qaadi doono magaalada Muqdisho, oo ay sii raaci doonaan odayaal-dhaaqameed iyo masuuliyiin ka tirsan dawlad Deegaanka Soomaalida.

Dr Mukhtaar Yuusuf Muuse Wasiir ku xigeenka xafiis Caafimaadka ee DDS, oo si dhaw ula socday xanuunka marxuumka, ayaa Telefishinka  SRTV u xaqiijiyay in Pro Cali Khaliif Galaydh, oo u geeriyooday xanuunka COVID-19.

Dhaqtar daaweeynayay Dr Cali Khlaiif ayaa sheegay in ku xanuunsaday Cunto uu cunay balse aausan ogeyn halka cuntadaasi laga siiyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com