Duqa Degmada Boosaaso oo Joojiyay in Canshuurta laga qaado Guryaha la dayactiro

Duqa degmada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayaa sheegay in la joojiyay Canshuurtii laga qaadi jiray guryaha ku yaalla Boosaaso markii  dib u-dayac-tirka lagu samaynayo.

Duqa Boosaaso Cabdisalaan Bashiir, ayaa sheegay in Canshuurtaas oo ahayd mid ku kooban Dowladda hoose, ay go’aan kama dambays ah ka soo saareen Golaha Degaanka Boosaaso, islamarkaana si buuxda u joojiyeen.

Duqa  Degmada Boosaaso, ayaa tilmaamay in Canshuurtaas joojiyay , kadib markii ay cabasho ay  ka  muujiyeen Shacabka ku dhaqan magaalada, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin bixinta Canshuur dayac-tirka guryaha .

Sidoo kale, wuxu xaqiijiyay in aysan jirin wasaarad ama cid kale oo shaqo ku leh Canshuurta laJoojiyay , balse ay ku koobnayd Dowladda hoose ee Degmada Boosaaso oo keliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com