Duqeyn lagu dilay Askari iyo dad Rayid ah

Ugu yaraan 5 qof oo uu ku jiray Askari ka tirsanaa Milliteriga dalka Syria ayaa dhintay, halka 15 kalena ku dhaawacmeen Duqeyn ay Diyaaradaha Dagaalka ee Israel saqdii Dhexe ee xalay ka geysteen Degmooyinka K/Galbeed ee Caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.

 

Qoraal ka soo baxay Taliska Milliteriga ee dalka Syria oo ay Wakaallada Wararka ee SANA baahisay ayaa lagu sheegay inay Duqeyntaasi dhacday saqdii dhexe ee xalay abaarihii 12:22 daqiiqo ee Xilliga dalkaasi.

 

Diyaaradaha Dagaalka Israel waxay Gantaalada ka soo tuurayeen Hawada Sare ee buuraleyda La-haysto ee Golan Heights, iyagoo beegsaday deegaan ka tirsan Caasimadda Syria iyo daafaheeda.

 

Taliska Ciiddanka Difaaca Cirka ee Syria waxay sheegeen inay dhowr Gantaal Hawada ku burburiyeen.

 

Dhanka kale, Telefishinka Al-Hadath ee ku yaalla magaalladda Dubai waxa uu soo weriyey in Diyaaradaha Dagaalka Israel ay duqeeyeen Xero ay Maleeshiyo Shiico ah ku leeyihiin K/Galbeed Caasimadda dalka Syria ee Dimishiq.

 

Telefishinka waxa kale oo uu xusay in duqeyn loo geystay Saldhig Raadaar (a radar station) oo ku yaalla Degmadda As-Suwayda ee Koonfurta dalkaasi.

Bishii January 2-dii ee sanadkan, duqeyn ay Diyaaradaha dagaalka Israel la beegsadeen duleedka Koonfureed ee magaalladda Dimishiq waxaa ku dhintay 2 Askari, halka 2 kalena lagu dhaawacay.