Ehelka dad ay dileen Ciidanka AMISOM oo caddaalad dalbaday.

Ehelka 7-ruux oo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku dileen Gobolka Shabeelaha Hoose si gaar ah Golweyn ayaa Dalbaday in ay Caddaalad u helaan dadkii laga dilay.

Qoysaskaan ayaa sheegay in “Si ka baxsan Bani aadamnimada” loo dilay Dadkaan, waxa ay Askarta Uganda ku eedeeyeen in markii ay dileen kaddibna ay jiideen kuna qarxiyeen miino sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxa aan Cabasho ka nahay Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda, waxa ay soo wateen 7-ruux way dileen kaddibna way jiideen oo waxa ay dul dhigeen miino oo ay ku qarxiyeen, hilibkooda waxa aan kusoo qaadnay Jawaan” ayuu yiri qof kamid ah Ehelka.

Qoysaskaan Beeraleyda ah ayaa sheegay in ay dhibaatooyin ku qabaan Marinka Ciidanka AMISOM marka ay doonayaan raashinka 15-kii Cishe mar, Dowladda Federaalka ayay ka dalbeed in ay wax ka qabato dhibaatada heysata.

“Bil weliba marka ay raashin qaadaan waxa ay naga dilaan 30-qof inta u dhaxeysa Afgooye illaa Baraawe, waxa ay dadka u dilaan si arxad darro ah, safar ma aadi karno, Ari & lo’ ma daaqsan karno” sidaasi waxaa yiri qaar kamid ah qoysaska cabashada ka qaba Ciidanka Uganda.

War kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ciidanka Uganda howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Beledul Amiin & Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu sheegay in ay dileen 7-xubnood oo katirsan Al-Shabaab.