Erna Solberg oo lagu wado in maanta ku dhawaaqdo Golaheeda Cusub ee Wasiirada .

Oslo, Ra,isul Wasaaraha Wadanka Norwey Erna Solberg ayaa lagu wadaa in maanta ku dhawaaqdo Golaheeda Wasiirada Cusub kadib ka bixitaankii Dowladda ee Xisbiga FRP.

Warbaahinada kala duwan ee Norwey ayaa ku waramaya in Erna Solberg soo dhameystirtay wada tashiyadi ugu dambeeyay oo ay la laheyd Xisbiyada ay bahwadaagta yihiin.

Galinka hore ee Maanta ayay ku dhawaaqi doontaa Wasiirada, waxaana xusid mudan in wajiyo cudub ka soo muuqan doonaan Xukuumada.

Arinta sida aadka ah looga hadlayo ayaa ah soo laabashada Gudoomiyihii hore ee Xisbiga KRF Knut Arild Hareide oo ka mid noqan doona Wasiirada Cusub.

Sidoo kale waxaa Wasiirada Cusub sida la hadal hayo ka mid noqan doona Abid Raja oo ka mid ah Xisbiga Venstre .

Guud ahaan Wasiirada Cusub ayaa ka koobnaan doona 19.

Wixii Warar ah kala Soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka, Oslo.

Info@aragticusub.com