faafaahin:Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday Beledweyne.

Macalin Dugsi quran oo lagu magacabi jiray Macalin Cumar Macalin Muxumed Xalane ayaa xaaskiisa ay siisay caawa cunno sumeysan isaga oo u geeriyooday sunti la siyeey markii dambe.
Arrintan ayaa ka Dhacday Xaafadda Xaawo-taako ee Magaalada Beledweyne ee gobolka hiiraan.
Cali Macalin Muxumed oo ay wada dhasheen macalinka sunta u geeriyooday ayaa Hiiraanweyn u xaqiijiyay waxana uu sheegay in uu jiray khilaaf maalmihii danbe u dhaxeyay marxuumka iyo xaaskiisa isla markaana ay aheyd Gabadh uu dhawaan guuraday.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com