Faah Faahino ka soo baxaya weerar lagu dilay Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Ilaa 6 sarkaal ka tirsan qeybta 21-Aad ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa lagu dilay weerar dhabo gal ah oo ka dhacay duleedka magaalada Guriceel ee gobalka Galmudug.

Saraakiishan oo dhameyatay carbis ciidan oo mudo afar bil ah ugu socday xerada ciidanka har qaboobe ayaa ku sii jeeday magaalada Balanbale waxaana surinka u galay maleeshiyo beeleedyo hubeysan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa gaaray goobta waxayna sheegeen in ay ku raad joogaan maleeshiyadii weerarka geystay

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com