Faysal Ali Waraabe”Madaxweyne aan tagi karin gobolada uu Maamulo ma aha in loo oglaado Hargeysa ,,.

Hargeysa,Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Ali Waraabe aya ka horyimid booqashada la filayo in dhawaan Hargeysa ku tago Madaxweyne Farmaajo.

Faysal Ali Waraabe ayaa sheegay in wax aan suurta gal aheyn tahay in Hargeysa loo ogolaado Madaxweyne aan tagi karin Gobol ka mid ah Gobolada Maamulkiisa Hoos taga.

’’ Ma aha in hargeysa lagu soo dhaweeyo madaxweyne aan tagi karin gobol ka mid ah Gobolada Maamulkiisa hoos taga sida Galmudug,Puntland iyo Jubbaland “ayuu yiri Faysal.

Gudoomiyaha ayaa eedeyn xoogan u jeediyay Muuse Biixi.

’’ Hadii roog Cas laguugu soo dhaweeyay ma aha in aad qaadato Farmaajo ayaa Hargeysa imaanaya,, ayuu hadalkiisa raaciyay.

Booqashada Farmaajo ayaa u muuqata mid khilaaf ka dhex abuureysa Mas,uuliyiinta Somaliland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com