gabadh 5 sano jir ah oo Kufsi loo geystay

Wararka ka imaanaya Degmada Kaaraan  ee gobolka Banaadir , ayaa sheegaya in Kufsi loo gaystay gabar yar oo da’deeda qiyaasay 5-sano jir.

Gabadhaan yar ayaa lagu magacaabaa Samiira Yuusuf Maxamed, waxaana la sheegay in la geeyay isbitaalka Digfeer, si baaritaan loogu sameeyo, waxaana natiijada baaritaanka lagu xaqiijiyay in kufsi Argagaxleh  loo gaystay.

Qoyska gabadha dhalay, ayaa laga soo xigtay in Kufsiga uu gaystay nin kamid ahaa dadka deggan Xaafadda, kaas oo baxsaday kadib markii uu si xun u kufsaday ilmaha yar ee Saqiirka ah.

Sidoo kale, Qoyska ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in gacanta lagu soo dhigo Ninka ku eedaysan kufsiga ilmahooda, islamarkaana ay caddaalad helaan.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com