Gabar Soomaali ah oo ka mid noqotay baarlamaanka dalka Norwey.

Oslo:-Soomaalida dalka Norwey ayaa ka hadlay doorashada baarlamaan ee la soo gaba gabeeyay iyo in markii ugu horeysay baarlamaanka ka mid noqoto gabar Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Soomaalida oo la hadlay warbaahinta aragticusub ayaa sheegay in farxad aad u weyn u tahay in doorashada ku guuleyteen Xisbiyada bidixda kuwaas oo loo arko in ay yihiin kuwo u wanaagsan dadka soogalootiga ah.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in farxad kale soomaalida u tahay in Maryan Abdi Husein ka mid noqotay baarlamaanka Norwey.

Mudadii ay doorashada socotay ayaa la arkayay sida Soomaalida uga mideysnaayeen in ay codkooda siiyaan Maryan Abdi Husssein taasi oo la dhihi karo waxay aheyd waxa kaliya ee Soomaalida ku nool dalka Norwey ka mideysnaayeen.

Maryan Abdi Hussein waxaa ay noqon doontaa gabadhii ugu horeeysay ee Soomaali ah oo markii ugu horeysay ka mid noqoto baarlamaanka dalka Norwey.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com