Galmudug oo ladagaalankii Al-shabaab ku badashay wariyaasha ka hoolgalo deeganada maa-mulkaasi.

 

Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug waxaa xalay lagu xiray Labada Wariye ee kala ah Maxamed Cabdiwali Tooxow iyo Cabdulaahi Warsame Rooble.

Wariyaashaan ayaa ka hor xarigooda waxaa ay iska  soo duubeen muuqaal ay ku sheegeen in dil iyo xarig ay ugu hanjabtay madaxtooyada Maamulka Galmudug, isla markaana wixii dhibaato ah ee soo gaara uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Labada Wariye ee lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay Barahooda Facebook Bulshada ugu soo gudbiyaan dhacdooyinka ka dhaca dalka gaar ahaan degaannada Galmudug, waxaana maalmihii la soo dhaafay ay baahinayeen falalka Amni darro ee ka dhacayay degaannada Galmudug.

Maalmo ka hor Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay inay jiraan Wariyeyaal buun buuniya weerarada Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab oo kale.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cambaareeyay xariga labada Wariye, iyaga oo sheegay in uu yahay mid sharci darro ah oo lagu doonayo in lagu caburiyo Wariyeyaashaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com