Gashaanle Faraxey Xasan Xuseen oo u geeriyoday qarax maalmo ka hor lagula eegtay duleedka Jowhar

Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeelle oo maalmo kahor dhaawac kasoo gaaray qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sarkaalka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen, isla markaana waxa uu kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Hirshabeelle, isagoona maalmihii lasoo dhaafay dhaawacii kasoo gaaray qaraxa lagu dabiibayay Muqdisho.

Faarax Xasan Xuseen oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Booliska Maamulka hirshabelle ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka dibadiisa gaar ahaan wadanka Faranca oo uu dhalasho ka heestay.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Sarkaalka uu kamid ahaa saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Booliska.

Ahalada iyo asxaabta Gaashaanle Faaraxey Xasan Xuseen ayaa ii xaqeejiyay in dayaceen maamulka hirshabelle sargaalkaan geeriyooday oo haba yaraatee intii uu isbitaalka ku jiryay ayna iska indhatireen qarashaadka lagu baxnaaninayay dhaawaciisa.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ee uu marka hore dhaawaca kasoo gaaray Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen, isagoona markii dambe u dhintay.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com