General Xuud oo ka hadlay sababta ay dagaalka ugula jiraan Hirshabelle

General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) ayaa marka hore si adag u beeniyay eedeynta uga timid Maamulka Gobolka Hiiraan, oo ciidamada uu hoggaamiyo ku eedeeyay inay shalay soo weerareen Ciidamada Dowladda, xilli ay weerar ku ahaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Labada ciidan ayaa ku dagaalamay deegaanka Qowlad oo 12km dhinaca waqooyi uga beegan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo saamayn ku yeeshay Beledweyne ayaa waxaa illaa xalay ka socday bannaanbaxyo looga soo horjeedo dagaalkaasi, oo sida dadka deegaanku ay sheegeen ay Ciidamada Dowladda ku qaadeen xoogaga u daacadda ah General Xuud.

General Xuud oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka horyimid hannaankii loo maray doorashadii 11-kii bishii November ee sanadkii 2020 ka dhacday Magaalada Jowhar, laguna soo doortay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

General Xuud oo ka jawaabayay eedeynta Maamulka Gobolka ayaa yiri “Arrintaasi waa been, anaga Al Shabaab maahin, dad kacdoon ah oo xaqooda raadsanaya ayaanu nahay, wax nala la hadla iyo wax nala heshiiya, midna waa weynay, haddii ay federaalka tahay iyo haddii ay cid kasta tahayba.”

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “Hadafku waxaa weeye, haddaan runta kuu sheego, anaga waxaa nala yiraahdaa Hiiraan, anagu waan qaadacnay Hirshabelle.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan ku qaadacnay Hirshabelle, maadaama Hiiraan magac jiray oo awoowe ka awoow uu ahaa in lagu bedelay Hirshabelle, macquul ma’aha. Qofka magaca loo yaqaano waa inuu ku golo taggaa, magacan cid bedeshay iyo si loo bedelay midna ma naqaan, mooryaan ayaa heshay, taasaana ka dagaal-sanahay, waa kow.

Marka labaad anaga waxaan u soconaa Hiiraan State inaan dhisano, ee uma socono inaan Hirshabelle wax ku darsano.”

General Xuud ayaa sheegay in maamul la yiraahdo Hirshabelle aanu ka jirin Gobolka Hiiraan, waxa dhacaya oo dhana ay u dhacayaan intaas oo keliya.

“Hiiraan kama jiro Maamul Hirshabelle la yiraahdo, waxa dhacayo oo dhan waxa ay u dhacayaan waa intaas.

Sida Dowladda Federaalka ay khasabka iyo jujuubka ay ku dhisatay, si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma’ahan. Anaga Hiiraan baa nala yiraahdaa, magacaanaa leenahay, gobolkaana waa gobol caan ah, waa gobol goboladii kale ka haray.

Xaqdarada intaas le’eg ee laguma sameeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diidanahay.” Ayuu yiri General Xuud.

Warbaahinta ayaa fahamsan in bulshada reer Hiiraan ay ka gadoodsan tahay in dadka Gobolka Shabellaha Dhexe ay isku darsadaan Madaxweynihii iyo Xaruntii Maamulka. Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaa ka soo jeeda gobolkaasi, halka Jowhar-na ay ku magacaaban tahay Xaruntii Maamulka.

Labadii Madaxweyne ee ka horeeyay Cali Guudlaawe ayaa deegaan ahaan ka soo jeeday Gobolka Hiiraan, markaas oo dadka Gobolka Shabellaha Dhexe la siiyay Xaruntii Maamulka, haddase ay labadiiba jiraan dhinaca Shabellaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com