Golaha Wakiilada Puntland oo u ogolaaday shirkadda DPWorld ay maamusho Dekadda Boosaaso

Baarlamaanka Puntland kulankii 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad oo uu Waxaana  shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad M, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada puntland loo gudbiyey codsi Madaxweynaha  Puntland, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa in ay socoto dhameystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso.

Golaha wakiilada puntland aya cod gacan-taag ah ku oggolaaday iyadoo  38 Mudane, ay ansixiyeen codsiga madaxweynaha waxaana ka aamusay  11 Mudane mana jirin cid diiday.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com