Guddoomiye  cusub ee Galmudug  oo fariin u diray Xildhibaanada 

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana looga hadlay arrimo muhiim ah.

Inta uu socday kulanka Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa looga dooday Arrimo ku aadan Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa oo maalinta berri oo Axad ah lagu wado inay ka dhacdo Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal oo kulankaas shir Guddoominyay ayaa shaaciyay in Maalinta Berri ah oo Axad ah la qaban doono Doorashada Madaxweynaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Ammaanka Magaalada ayaa siweyn loo adkeeyay,  waxaana waddooyinka qaar la dhigay Ciidamo gaar ah, iyadoona sugida amniga ay iska kaashnayan Ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.@

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com