Faahfaahin  dheri ah ayaa ka soobaxeyso qaraxyo ka dhacay Muqdisho manta.

Labo Qarax oo la sheegay in loo adeegsaday Miinooyin ayaa Saaka ka dhacay degmooyinka Huriwaa iyo Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxaana ay sababeen Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa koowaad ayaa lala Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali xilli uu marayay Xaafadda Xoosh ee degmada dharkeynlay , waxaana kasoo gaaray dhaawac.

Waxaa sidoo kale Qaraxaasi Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen ilaaladii la socotay Gudoomiye ku xigeenka Kaxda.

Qaraxa labaad oo ahaa miino dhulka lagu Aasay ayaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM oo maraayay Isgoyska Ex Kontrool Balcad ee degmada Huriwaa.

Qaraxa ayaa qabsaday Mid ka mid ah Gawaarida Ciidanka AMISOM, Waxaana jira Khasaare ka dhashay inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com