Guddoomiyihii hore ee Shangaani oo kulan duco ah loo sameeyay

Tartan Kubadda cagta oo loogu duceynayay Allaha u naxariistee Guddoomayahii hore ee Shangaani ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Tartankan isboorti ayaa ujeedkiisu ahaa mid lagu xasuusanayey, isla markaana loogu duceenayey Allaha u naxariistee Guddoomiyahii hore ee Degmada Shangaani Sahro Sheekh Maxamed Amiin (Markeesi) oo kamid aheyd mas’uuliyiintii ku geeriyootay qaraxii ka dhacay aqalka Dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Dagmada Shangaani .

Guddoomiyaha Degmada Shangaani Aways Sheekh Maxamed Markeesi oo ay Walaalo ahaayeen Sahro Markeesi ayaa sheegay Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, isagoo intaa ku daray inay sii laba jibaarayaan shaqadii ay haysay , kana codsaday shacabka degan Degmada in ay lashaqeeyaan Maamulkiisa.

Guddoomiyaha Urrrurka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulashada ee Gobolka Banaadir Basmo Caamir Jakeeti ayaa u duceeyey in Alle uu janatul fardoowso ka waraabiyo Allaha u naxaruiistee Sahro Sheekh Maxamed Markeesi iyo mas’uuliyiintii la geeriyootay oo uu kmid ahaa Allaha u naxariistee Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho.