Gudoomiyaha gobolka banaadir oo booqday qosaska dadkii muqdisho lagu dilay 24tii bishan

Muqdisho- Aragticusub Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xalay guryahooda ku booqday qoysaskii labadii qof ee 24tii bishan askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu ku dilay degmada Boondheere.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa uga tacsiyadeeyay labada qoys ee carruurtooda sida gardarada loo diay, waxaana uu kafaala qaaday nolosha labada qoys.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono askarigii dilka geystay, waxaana uu xusay in aanay ka hari doonin illaa cadaalada ay uga hubsanayaan, isla markaana goobjoog ka noqonayaan maxkamadeynta askarigaas.

Labada Marxuum ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 jir ah iyo Xasan Cali Cadaawe 24 jir ah, kuwaasi oo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare jirka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com