27.9 C
Mogadishu
Thursday, July 25, 2024
Home Wararka Afrika Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayay todobaadka Xoriyadda

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayay todobaadka Xoriyadda

Kulan looga hadlayey u diyaar garowga Maalmaha qiimaha badan ee Xoriyadda Todobaadka oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa lagu qabtay xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay joogaan qaar ka mid ah Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir, Gudoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha Wasxyaha kala duwan ee Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa gebagebadii waxaa loo saaray 15 xubnood soo diyaarinta Munaasabadaha Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya oo ku beegan inta u dhexeysa 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan todobaadka Xurriyada oo maalmo kaliya inaga xigaan,iyada oo la filayo in la qabto munaasabado kooban sababo la xiriira COVID-19.