Gudoomiyhii Degaanka Garasbaaleey oo maanta lagu Aasay Muqdisho dib Qarax Miino oo ku dhintay + Sawiro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxmuud Maxamed (Cumar Filish) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir  ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Allaha u naxariistee Guddoomiyhii Deegaanka Garasbaleey Marxuum Abdiraxmaan Axmed Garyare iyo laba askari oo ka tirsanaa  ilaaladiisa.

Sidoo kale waxa salaadda Janaasada ka qeb galay ehelada marxuumka iyo shacab badan, waxaana lagu aasay magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa lagu dilay qarax miino,oo ka dhacay degaanka

Dhawaan ayay Markii Gudoomiye ku xigeenkii Amniga iyo Siyaasada ee Degaanka Garas Baaleey Alle ha u naxariiste Cali Macalin ilaalo la socotay Sidaan oo kale  Qarax Miino lagu dilay qaraxaas oo ka dhacay isla degaanka Garasbaaleey

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com