Halkaan ka aqri Taariikhda Wariye Axmed Cabdinuur oo London ku geeriyooday

Waxay ahayd geeri naxdin badan markii uu galabta soo yeeray warka sheegaya in Wariyihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Axmed Cabdinuur uu ku geeriyooday Magaalada London.

Wariyaha ayaa 1-dii duhurnimo ee maanta ku geeriyooday Bariga Magaalada London, sida ay xaqiijisay xaaskiisa Saynab Yaasiin Xirsi.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Wariye Axmed Cabdinuur.

Ra’iisal Wasaaraha waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaalieed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Wariye Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa tiirarka Warbaahinta Soomaaliyeed.

Waxaa uu Ra’iisal Wasaaruhu Eebbe uga baryay in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Wariye Maxamed Maxamuud Cadde oo muddo dheer ay soo wada shaqeeyeen marxuumka ayaa ka waramay shakhsiyaddii uu ku suntanaa Wariyaha.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com