Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ku baaqay in la siidaayo Wariye Cadow

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka dalbaday Madaxda dowladda in xabsiga laga sii daayo Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow.

“Waxaan madaxda dawlada ka dalbanaynaa in ay Xabsiga xaqdarida ka sii dayso suxufi C/llaahi Kulmiye Caddow” ayuu yiri Hoggaamiyaha Wadajir.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Ma jirto cid soo xirtay, xoriyadana uga qaaday taliyaha Nabadsugida markii uu isagoo Aljazeera u shaqeeya duurka ku soo waraysan jiray madaxda sare ee argagexisada Alshabaab. Ku takrifalka awooda waa dulmi, inoo horseeday qaran jabka aan weli ka soo kaban la’nahay.

Wariyaha oo ciidanka Nabadsugida u xireen Wareysi uu ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo taageeray fikirka Al-Shabaab ayaa Xalay gurigiisa lagala baxay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com