Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Xalane ee Muqdisho.

Muqdisho,Tiro hoobiyayaal ah ayaa lagu weeraray Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Hoobiyayaashan ayaa ahaa kuwo dhawaqooda laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho isla markaana qal qal ku beeray dadka.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka Xalane ayaa ku waramay in hoobiyayaasha ahaayeen kuwo xalane lala bartilmaameedsanayay.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha weerarkaas ka dhashay.

Xarunta Xalane ayaa ah goob si aad ah amaankeeda loo adkeeyo isla markaana dagan yihiin inta badan safaaradaha reer Galbeedka.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com