Ilaalada Axmed Madoobe oo ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Waxaa goor dhow Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo ka amba-baxay Ciidanka Ilaalada ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kuwaa oo ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb.

Ilaalada Madaxweynaha Jubbaland waxaa ay horudhac u yihiin wafdigiisa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay maanta shir ku leeyihiin Madaxda Maamul Goboleedyada.

Ciidankan oo dareyska militariga ku labisan ayaa waxay ku hubeysan yihiin qoryaha daran-dooriga u dhaca, booshash iyo bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro.

Sida uu qorshuhu yahay ciidanka ayaa ku hakan doono Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo saacadaha soo socdo uu ka deggi doono Madaxweynaha Jubbaland.

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa iyana xalay gaaray Xarunta Maamulka Galmudug, ka dib markii ay ka amba-baxeen Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo shalay galab gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa tagay isagoo aanay wax ilaalo ahi la socon.

Xoogaga ammaanka ee Galmudug ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la hakiyay isu socodkii gaadiidka ee magaalada. Waxaan jiri karin gaadiid ka soo gudbi kara kontoroolada magaalada.