Isbitaalka Martini oo markale loo asteeyay la tacaalidda COVID-19

Isbitaalka Martiini ayaa mar kale dib loogu asteeyay Bukaanada uu soo ritay COVID-19, Iyadoo gabi ahaanba la joojiyay Adeegyadii kale ee Isbitaalku u hayay Bulshada.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 43 qof laga helay 24 Saac ee ugu dambeeyay COVID-19, kuwaasoo 29 ka mida ay Muqdisho yihiin, halka Puntland laga helay 8 Qof, Somaliland 4 iyo Jubbaland oo 2 Qof ah iyo 1 Dhimasho ah oo Jubbaland.

Tan iyo Ciiddii waxaa soo kordhayay Bukaanada uu soo ridanayo Cudurka Corono-virus.