Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland oo qabtay koob lagu maamuusayay 1-da Juli +SAWIRO.

Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka dhisan gobolka Hordaland (DEN SOMALISKE FORENINGEN I HORDALAND) ayaa koobkii lagu xusayay munaasabadda 1-da Juli ku qabtay garoonka kubada cagta mรธhlenprisbanen oo ku yaala magaalada Bergen sabtidii lasoo dhaafay oo taariikhdu ku beegnayd 8/07/2023.

Ciyaartooy iyo dadweyne fara badan oo buux dhaafay garoonka ka hor inta aysan bilaabanin ciyaarahaasi waxaa halkaasi lagu soo bandhigay heestii astaanta calankeena oo runtii kaga ilmeysiisey dhammaan dadkii kasoo qeyb galay oo ay ka mid ahaayeen dad aan Soomaali ahayn oo qaarkood lagu casuumay goobta ay ciyaartu ka dhacaysay iyo ciyaartooy aan Soomaali ahayn oo ka qeyb galayay koobka todobaadka xoriyadda Soomaaliya kuwaa oo kala matalayay kooxihii tartamay.

Maamulka Jaaliyadda ayaa u kala qeybiyey tartanka dhalinyaradda ay daโ€™dooda ka yar tahay 17-ka Sanno oo koob gaar ah loo qabtay iyo Dhalinyaradda daโ€™dooda ay ka weyn tahay 18-ka Sanno oo dhankooda koob gaar ah loo qabtay, hase yeeshee kooxihii daโ€™dooda ka yarayd 17-ka sano ayaa waxay noqdeen laba koox iyadoo la waayay tiro kooxo kale oo tartama.

Tusmo oo wadatay kooxaha Gutteklubben 1 iyo Gutteklubben 2 oo daโ€™dooda ka yarayd 17-sanno ayaa la waayay kooxo kale oo kala qeyb gala Group-kaas, waxayna maamulka Jaaliyadda ee agaasimayay tartanka ay goโ€™aamiyeen in labadaas koox loo qabto ciyaar Final ah, waxayna ciyaartaasi guusha ku raacde Gutteklubben 1 oo ku adkaaday 4-5.

Kooxaha daโ€™dooda ay ka weyneed 18-ka sanno ayaa waxay gaareen 5-koox, kuwaas oo ku kala ciyaarayay magacyada LLP Jeenyo, Black M, FC Midnimo, Hjelpe Mennesker med Spesielle Behov iyo FC Libaax, waxaana tartanka inta aanu bilaaban isaga hartay koox ku ciyaari lahayd magaca Yaaqshiid.

Intaasi kadib waxaa halkaasi ka bilowday ciyaarihii la wadasugayay oo ahayd mid is wada arag ah maadaama ay kooxihii ka yaraadeen 6-koox, waxayna guddiga Jaaliyadda ee maamulayay ciyaaraha isku raaceen in tartanka uu noqdo mid is wada arag ah iyadoo labada koox ee ugu dhibcaha bata ay u gudbayaan ciyaarta Finalaha.

Waxaa ciyaartii finalka oo ahayd mid aad u xiiso iyo xamaasad badneed isugu soo haray kooxaha Black M iyo LLP Jeenyo, waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 3-3, waxaana lagu daray waqtiga dheeriga ah, iyadoo waqtigii dheeraadka ahaa ay ku dhammaatay natiijadii hore ee ciyaarta oo barbaro ah, waxaana la aaday gool ku laad taas oo kama dambeen ay guusha ku raacday kooxda LLP Jeenyo.

Jaaliyadda ayaa bixisay Koobka iyo abaalmarino kale oo ay ku kala guuleesteen qaar ka mid ahaa xidigaha labada naadi ee isugu soo haray ciyaarta finalka, maadaama labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar heerkeedu uu aad u sareeyey isla markaana ay u riyaaqeen taageerayaasha iyo macalimiintii kale ee tartanka ka qeyb galay.ยจ

Wareysi gaaban oo aan la yeelanay Waceys oo ka mid ahaa ciyaartoyda kooxda Black M ayaa sheegay inay aad ugu qanacsan yihiin natiijada ciyaarta isla markaana ay u hambalyeynayaan guusha ay gaareen kooxda LLP Jeenyo.

Sidoo kale Farhan Bogba ayaa isna wuxuu yiri โ€œIn kastoo aan ku guuleysanay koobkan, si sahlan uguma aan guuleysan waayo xiddigaha Black M waa koox aad iyo aad u adag una daโ€™yar marka loo eego dhanka safka kooxdeena, laakiinse nasiibka ayaa na saaciday guusha iyagaa u qalmayโ€ ayuu yiri Farhan Bogba.

Dadweynihii ka qeyb galay iyo guud ahaan ciyaartoydii iyo macalimiintii ka qeyb galay tartanka ayaa sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida ay maamulka Jaaliyadda usoo agaasimeen tartanka todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Gabagabadii Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland oo munaasabadaasi si heer sare ah u qaban qaabisay koobka lagu xusayay todobadka xorriyadda Soomaaliya ayaa ciyaartoydii u qeybisay gaar ahaan carruurta cuno fudud iyo cabitaano, iyadoo tartanka uu kusoo dhammaaday jawi qurux badan.