Jubland oo Eedeeysay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo saaray war-saxaafadeed lagu faah faahiyay xaaladda Gobolka Gedo halkaas oo ay ku wada sugayihiin Ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Jubaland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Jubaland gaar ahaanna Gobolka Gedo ay ka jirto xaalad bani’adamnimo oo ka dhalatay Ciidamada dowladda ay geysay Gobolkaas.

Waxa ay Baaq u direen Beesha Caalamka oo ay ka codsadeen in ay wax ka qabato dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com