Kaaliye Maxkamadeed oo lagu dilay Garoowe

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya  in Halkaas  lagu dilay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuusoo kaaliye ka ahaa Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

Kaaliyaha ayaa la dilay xili uu usii socday hoygiisa sida ay warbaahinta Aragti Cusub u xaqiijiyeen ilo Xog ogaal ah, waxaana lagu toogtay meel aan sidaas uga fogeyn Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Garoowe.

Kooxda dilka geysatay ayaa baxsatay, waxaana goobta gaaray Ciidamada ammaanka puntland  oo sameeyay howlgal ay ku raadinayaan kooxdaas toogatay Kaaliyahaas katirsanaa  Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laamaha ammaanka faray in ay adkeeyaan amniga xarunta maamulkaas oo dhawaan qarax lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal uu ka dhacay.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa labadii cishe ee lasoo dhaafay ka kulmay qorshaha sugidda amniga Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo martigelinaya Doorashada kuraasta saami ahaanta uga soo aaday labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com