Kala qeybsanaanta Soomaalida Norwey oo halka ugu sareysay mareysa(Warbixin).

Oslo:-Soomaalida ku nool dalkani norwey oo ah kawa aan laheyn jaaliyad mideysan ayaa maalmihii ugu dambeeyay la dareemayay sida ay ula kala safan yihiin xisbiyada ku baratamaya doorashada baarlamaan ee dalka ka socota.

Baraha bulshada ayaa ah meel ay si Aad ah  uga wadaan ololaha ay u sameynayaan qofba cida ay u aragto in danteeta ku sirto.

mid ka mid ah  barta Facebook-ga ee ku mideysan yihiin kumanaan Soomaali ah ayaa ah meesha ugu badan ee arintasi laga dareemayo.

Qaar ka mid ah dadka fikradaha halkaasi ka soo dhiibanaya aya ah kuwo si taageero weyn u muujinaya Xisbiga KRF iyo xisbiyada kale ee ku mideysan dokłada hada jirta.

Halka qaar kale muujinayaan in loo codeeyo xisbiyada AP,SP iyo SV iyaga oo arintaasi sabata ugu weny ka dhigaya in ay yihiin xisbiyo u wanaagsan qaxootiga.

Doorashada ayaa haatan ah mid gabagabo ah waxaana ay ku egtahay  13-septembar kolkaas oo soo bixi doonta natiijada xisbiyada doorashada ku guuleysta.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com