kallumeysato ku geeriyootay xeebaha gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ilaa iyo 5 qof ayaa ku dhinteen  Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose ka dib markay la kulmeen dabaylo xooggan.

Dadka dhibtay ayaa lagu soo waramayaa in dooni ay la degtay ka dib markii dabaylo xoggan oo ku dhuftay xeebaha gobolka jubada hoose.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Dawladd Goboleedka Jubbaland Cabaas Cali Ibraahim ayaa cadeeyey dhimashada 5-ta qof  sheegayna in dabeeylaha kacay sababeen 11 doomood inay qalimaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay dabayluhu burbursheen gurya ku yaala dhanka xeebta Kismaayo, balse aan wax khasaare ah ka dhalan.

Badanaa xeebtaha Soomaaliya xiliyadan waxaa ka dhaca dabayla xoogan kuwaas oo sababa khasaare dhimasho iyo dhaawacba ah.

Xafiiska Aragticusub Muqdisho

info@aragticusub.com