Kenya oo dalbatay Baaritaan in lagu sameeyo diyaaradii Bardaale lagu soo riday

Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya iyo beesha caalamka ka codsatay in baaritaan lagu sameeyo sababta diyaarad laga leeyahay Kenya oo ka shaqeysa gargaarka bani’aadannimada loogu soo riday Soomaaliya.

Diyaaradda oo dhacday Isniintii waxaa ku dhintay lix ruux oo isugu jiray muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah.

Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku saabsan dhacdadaas.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Bardaale ay qoriga Suuga ku dhufteen Diyaarada, islamarkaana sidaasi diyaarada ay ku soo dhacday.

Lix qof oo saarnaa Diyaarada dhamaantood hal ruux kama badbaadin oo waa ay ku dhinteen, waxaana socda Baaritaan ku aadan sababta Ciidamada Itoobiya u soo rideen diyaaradaasi.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com