Khasaaraha ka dhashay Qaraxyo ka dhacay Ciraaq oo kordhay

Tirada dad lagu dilay weeraro ka dhacay bartamaha magaalada Baqdaad ayaa kor u dhaaftay 35 qof, sida uu ku waramay TV-ga Al Arabiya, isagoo soo xiganaya ilaha ciraaq, wuxuuna intaa ku daray in ilaa 100 qof ay ku dhaawacmeen in kabadan.

Kanaalka ayaa goor sii horeysay ku soo waramay in laba qarax laga maqlay barxad bartamaha magaalada Baqdaad, halkaas oo suuq ku yaal.

Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan ciidamada ciraaq ayaa yiri “Weerarka argagixiso waxaa gaystay labo ismiidaamiye oo is qarxiyay markii ay eryadeen saraakiisha sharci fulinta.”

Waxaa lagu soo warramayaa in weerarka ay fuliyeen taageerayaasha dowladda Islaamiga ah IS.

Ciidamada amaanka ee ciraaq waxay xireen jidgooyooyin dhamaan wadooyinka soo gala halka loogu yeero aaga cagaaran ee Baghdad, halkaasi oo ay ku yaaliin safaaradaha dalal badan oo shisheeye iyo xafiisyada dhexe ee xarumaha dowlada.

Madaxweynaha Ciraaq Barham Salih ayaa ku cambaareeyay weerarka Twitterka, isaga oo ballan qaaday in dowladda Ciraaq aysan u oggolaan doonin waxa uu ugu yeeraa ‘argagixisada’ in ay qalqal geliyaan xaaladda Jamhuuriyadda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com