Maamulka Magaalada Dhuusamareeb oo ka hadlay weerarka dadka lagu dilay

 

Afhayeenka Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) aya marka hore u tacsiyadeeyay dadka Ganacsatada ahaa ee xalay lagu dilay weerar ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray Afhayeenka ayaa waxaa uu ku sheegay in falkaas uu ahaa mid wuxuushnimo ah, isla markaana dadkii ka dambeeyay ay ku raad joogan Hay’adaha kala duwan ee Amniga.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Afhayeenka Maamulka magaalada Dhuusamareeb
Waxaan katacsiyaynaa aniga oo kuhadlaya afka maamulka Caasimada Galmudug iyo kayga falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay ganacsato howlahooda shaqo ee gaarka haystay,kuwana lagu dhaawacay.
Waxaan alle uga baryaa marka hore inuu naxariistiisa janno mida ugu sarraysa siiyo inta inaga baxday,qabrigana waasac uga dhigo,kitaabkooda gacanta midig kasiiyo,janatul firdowsa kawaraabiyo,inta dhaawacaana ubooga dhayo.
Dhamaan caruurta,xaasaska,waalidka,ehelka iyo asxaabta ay kabaxeena in Alle Samir jamila ugu badalo.
Waxaan intaa kadib bulshada deegaanka usheegayaa in falkaa wuxuushnimada ah dadkii gaystay hay’adaha amnigu kuraadjogaan,cadaaladana lahorkeeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadii alle idmo.
Waxaan ugu dambayn bulshada Caasimada Galmudug dagan iyo deegaanada hoosyimaada kacodsnaa inay lashaqeeyaan ciidamada amniga si looga baaqsado in waxii xalay dhacay aysan mardambe dib udhicin.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com