Wafdi gaaray Magaalada Beledweyne & kulamo ka bilaawday

Wafdi u hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo dib u dajinta Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Cabdikariin Cali Nuur, oo ay qeyb kayahiin masuliyiin katirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ujeedka Wafdiga ay Maanta u tageen Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu sheegay ka qeyb galka howlo dib u heshiisiin ah ee ka socdo Magaalooyinka Matabaan iyo baladweyne oo degaano hoostaga ay ka dhaceen dagaal Beeleedyo.

Wafdi u hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo dib u dajinta Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ayaa waxaa la filayaa inay kulamo la qaataan Maamulka Gobolka Hiiraan & Odayaasha Dhaqanka.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa la sheegay inay tegi doonaan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka bilaabi doonan shirar dib u heshiisiin ah six al looga garo Colaad Beeleedyada soo laab laabtay.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com